Naga caawi in aan adiga kaa caawinno in aad hesho daryeelka ugu dhakhso badan

Naga caawi in aan adiga kaa caawinno in aad hesho daryeelka ugu dhakhso badan

Naga caawi in aan adiga kaa caawinno in aad hesho daryeelka ugu dhakhso badan.

Waxaan annagu rabnaa in aad hesho daryeelka caafimaadka iyo daawaynta habboon, sida ugu dhakhso badan ee suurogalka ah.

Dadka qaarkood, fursadda ugu dhakhso badan uma aha isbitaalka North Mid.

Talo, daawayn, iyo ballamo dhakhso ama degdeg ah oo aad la yeelato Takhaatiirta Guud (GP-yada), farmashiisteyaasha iyo kalkaaliyeyaasha ayaad ka heli kartaa internetka barta 111.nhs.uk

Si aad talo ugu hesho af Soomaali wac lambarka 111 oo dheh “Somali”.

Waaxdayada degdegga u daa oo u dhaaf xaaladaha degdegga.

Waxa aad ku beddelan karto waaxda A&E ee degdegga: Is Daryeelka

Waxa aad ku beddelan karto waaxda A&E ee degdegga: Is Daryeelka

Waxa aad ku beddelan karto waaxda A&E ee degdegga: Is Daryeelka

  • Is daryeelka ayaa ah habka ugu fiican ee lagu daaweeyo cudurrada iyo dhaawacyada caadiga ah, sida: qufaca iyo hargabka ama durayga, sarmooyinka yar yar iyo xagashooyinka, murgacashada iyo dillaacyada, cune xanuunka, sanboorka, dhego xanuunka, calool fadhiga iyo madax xanuunka.
  • Waxaad kuwaas ku daawayn kartaa guriga marka aad isticmaasho daawooyin kaladuwan iyo qalabka gurmadka koowaad oo aad ka soo iibsato farmashiida ama dukaanka weyn.
    Waxaad isku diyaarin kartaa cudurro iyo dhaawacyo badan oo caadi ah marka aad la hadasho farmashiistaha xaafaddaada oo adiga kaala talin kara daawooyinka la isku daryeelo ee aad guriga dhigan karto.
  • Marka aad si walba isku daryeesho, haddii calaamadahaaga cudurku ay soo noqdaan, ama haddii aad roonaan weydo labo maalmood ka dib, wac NHS 111 si aad talo uga hesho ama la xiriir Takhtarkaaga Guud.

Waxa aad ku beddelan karto waaxda A&E ee degdegga: NHS 111

Waxa aad ku beddelan karto waaxda A&E ee degdegga: NHS 111

Waxa aad ku beddelan karto waaxda A&E ee degdegga: NHS 111

  • Haddii aad u baahan tahay gargaar caafimaadeed laakiin aadan hubin halka aad tagi karto, markaa fadlan Hadal ka hor inta aadan Soconin. Waxaad bilaash ku wici kartaa NHS 111, 24 saacadood maalintii, 365 maalmood sanadkii oo, marka habboon, lataliye daawayn (clinical advisor) ayaa baari doona calaamadahaaga cudurka, go'aamin doona gargaarka caafimaadeed ee aad u baahan tahay kuna talin doona halka aad u baahan tahay in aad tagto. Waxaa sidan lagu hubin doonaa in aad daryeelka habboon ka hesho adeegga habboon waqtiga ugu habboon.
  • Lataliyeyaasha daawaynta ee adeegga NHS 111 waxay adiga ballan kaaga diyaarin karaan Takhtar Guud oo furan saacadaha aanan la shaqaynin ama xarun dhexe oo saacado dheeraad ah furan haddii xaaladdaada aad ugu baahan tahay in aad xirfadle daryeel caafimaad aragto 12ka saacadood ee xiga. Waxay iyagu weliba ku siin karaan talo iyo macluumaad ku saabsan is daryeelka.

Waa in aad wacdo NHS 111 haddii:

  • Aad dhakhso ugu baahan tahay gargaar caafimaadeed, laakiin aanay ahayn xaaladda degdegga ah ee 999
  • Aad u aragto in aad u baahan tahay in aad tagto waaxda degdegga ama adeeg kaloo daryeel dhakhso ah oo ka mid ah NHS
  • Aadan garanayn cidda aad u wici karto gargaar caafimaadeed ama aadan lahayn Takhtar Guud oo aad wici karto
  • Aad u baahan tahay macluumaad ku saabsan caafimaadka ama in niyadda laguugu dejiyo waxa xiga ee habboon in aad samayso
  • Baahiyaha caafimaadka ee ka dhakhso yar, waa in aad weli Takhtarkaaga Guud ula xiriirto sida caadiga ah.

Waxa aad ku beddelan karto waaxda A&E ee degdegga: Farmashiistaha xaafadda

Waxa aad ku beddelan karto waaxda A&E ee degdegga: Farmashiistaha xaafadda

Waxa aad ku beddelan karto waaxda A&E ee degdegga: Farmashiistaha xaafadda

Farmashiistaha xaafaddaadu waa xirfadle daryeel caafimaad oo adiga ku siin kara talo ku saabsan daawaynta oo kaa daawayn kara cudurrada caadiga ah sida qufaca, hargabka ama durayga, damqashada iyo xanuunka jirka. Waxay weliba adiga kaa caawin karaan in aad go'aansato haddii aad u baahan tahay in aad la xiriirto adeegyo kaloo daryeel caafimaad.

Si qarsoodi ah oo kalsooni leh ayaad ula hadli kartaa farmashiistahaaga, adigoo xataa kala hadlaya calaamadaha cudurka ee ugu shakhsi badan oo aadan ballan ugu baahnayn. Farmashiiyo badan waxay iminka leeyihiin qayb ama meel dadka lagu baaro oo aad si gaar ah ugaga hadli karto walaacyada caafimaadka. Adeegyada ka diyaar ah farmashiida xaafaddaada qaarkood waxaa ka mid ah gargaar laga bixiyo:

  • Heerkulka sarreeya/xummadda ama qandhada
  • Qufaca, durayga, hargabka ama ifilada
  • Caabuqyada dhegaha iyo dhego xanuunka
  • Caabuqyada kaadida iyo bararka kaadi haynta (cystitis)
  • Shubanka/matagga
  • Caabuqyada haragga/firiirica/falcelinnada xasaasiyadda
  • Cudurka daafka ama dhegdhegga indhaha

Si aad u hesho macluumaadka farmashiida xaafaddaada ee kuugu dhow, iyo saacadaha furnaanta, booqo barta nhs.uk.

Waxa aad ku beddelan karto waaxda A&E ee degdegga: Takhaatiirta Guud iyo xarumaha dhexe ee saacadaha aanan la shaqaynin

Waxa aad ku beddelan karto waaxda A&E ee degdegga: Takhaatiirta Guud iyo xarumaha dhexe ee saacadaha aanan la shaqaynin

Waxa aad ku beddelan karto waaxda A&E ee degdegga: Takhaatiirta Guud iyo xarumaha dhexe ee saacadaha aanan la shaqaynin

Adeegga Saacadaha Aanan la Shaqaynin ee Takhtarka Guud

  • Adeegga saacadaha aanan la shaqaynin ee Takhtarka Guud waa adeeg gooni ah oo ay adeegyo ku bixiyaan koox Takhaatiir Guud iyo kalkaaliyeyaal dadka daaweeya laga bilaabo 6:30 fiidnimo ilaa 8 subaxnimo maalmaha toddobaadka ee la shaqeeyo, maalmaha fasaxa ah ama la fadhiyo iyo maalmaha wiikeendiga. Waxay iyagu ku deeqaan gargaar, talo iyo daawayn haddii aad dhakhso daawayn ugu baahan tahay oo aadan sugi karin in la furo xafiiska Takhtarka Guud ee gaar kuu ah.
  • Haddii aad u baahan tahay in aad Takhtar Guud aragto ama la hadasho marka uu xafiiska takhtarkaagu xiran yahay, wac NHS 111 oo, marka habboon, lataliye daawayn ayaa adiga ku baari doona, kaala talin doona marka aad daawayn meel u doonanayso iyo halka aad u doonanayso, ama adiga kuu diyaarin doona ballan aad ku aragto Takhtar Guud oo furan saacadaha aanan la shaqaynin haddii loo baahdo.

Xarumaha dhexe ee Saacado Dheeraad ah furan

  • Haddii aad qoran tahay ama ka diiwaan gashan tahay Takhtar Guud oo xaafadda ku yaalla Ballamaha Takhtarka Guud iyo Kalkaaliyaha ee habeenkii, maalmaha wiikeendiga iyo maalmaha fasaxa ah ayaad ka heli kartaa halkan xxxx.
  • Xarumaha dhexe ee Saacado Dheeraad ah furan (Extended Hours Hubs) waxaa ka shaqeeya Takhaatiir Guud iyo Kalkaaliyeyaal xaafadda ka jira oo khibrad leh waxayna baaris ama qiimayn iyo daawayn ugu deeqaan dadka qaangaarka ah iyo carruurta.
  • Waxaad ballamo heli kartaa ka dib marka la xiro Takhtarka Guud ee aad qoran tahay si loo hubiyo in bukaannadu ay Takhtar Guud heli karaan habeenkii maalmaha toddobaadka ee la shaqeeyo ilaa 9ka habeenimo iyo maalmaha wiikeendiga oo ay xafiisyada takhtarka ee xaafaddu intooda ugu badan xiran yihiin

Si aad adeegga u hesho

  • Wac xafiiska Takhtarkaaga Guud oo weydiiso ballanta la helo waqti dheeraad ah (extended access appointment)
  • Wac NHS 111 waxayna iyagu ballan kaaga diyaarin karaan mid ka mid ah xarumaha dhexe