Xeerka qoraalka ah ee Booqdeyaasha

Goobta isbitaalka North Middlesex University Hospital, waxaa qiime noogu leh kaalinta muhiimka ah ee ehelka, saaxiibbada iyo daryeeleyaashu ay ka qaataan taageerada bukaannada laga siiyo bogsashadooda. Waxaan rabnaa in dhammaan booqdeyaasha ama martidu ay dareemaan in la soo dhawaynayo, oo ay xor u yihiin in ay su'aalo jeediyaan. Xeerkayaga qoraalka ah ee booqdeyaasha (visitors’ charter) ayaa qeexaya waxa aad annaga naga filan karto waqtiga booqashadaada iyo waxa aan annagu dhinacaaga ka rabno. Waxaan rabnaa in aan hubinno in booqashada furan ay faa'iido u yeelato qof walba.

Waxaan shaqaalahayaga ka sugaynaa in ay:

Xushmayn ama xaqdhowr, edeb iyo soo dhawayn u muujiyaan dhammaan booqdeyaasha.

Taageero siiyaan booqdeyaasha raba in ay ka qayb qaataan daryeelka la siiyo qofka ehelka u ah.

In ay abuuraan goob ama meel deggan oo la isku dabciyo si bukaannada looga caawiyo in ay bogsadaan.

Si kaste ayaan ugu dadaalno in aan hubinno in waqtiyada cuntadu ay saacad ama waqti isku dhow ku beegnaadaan maalin walba.

Xigtada bukaan kaste si fiican wax ula socodsiiyaan (marka uu bukaanku rukhseeyo).

Waxaan samayn doonnaa wax walboo aan karayno si aan uga hortagno caabuqa- waxay tani keeni kartaa in mararka qaar la xadeeyo ama la hakiyo booqashada.

Booqdeyaasha kala hadlaan sida ay faa'iidada ugu badan uga helayaan waqtiga ay joogaan qayb isbitaalka.

Waxaan diyaarin doonnaa goob ama meel isbitaal oo nadiif ah.

Isticmaalno xirfadahayaga si aan mudnaanta u siinno qorshaynta daryeelka ee aan u samayno bukaannadayada oo aan sheegno go'aannadayada.

Diyaar u ahaadaan in ay dhegeystaan oo ay u furnaadaan ra'yicelinta.

Waxaan booqdeyaasha ka sugaynaa in ay:

Xushmayn ama xaqdhowr iyo edeb u muujiyaan shaqaalaha iyo bukaannada iyo booqdeyaasha kale. Iska ilaali in aad qasto shaqaalaha samaynaya shaqo muhiim ah sida bixinta daawada.

Xushmee sirta iyo sharafta bukaannada oo sariirta agteeda ka tag haddii lagu weydiiyo in aad sidaas samayso.

Fadlan ogsoonow in adiga lagu weydiin doono in aad ka tagto qayb isbitaalka haddii xaalad degdeg ahi ay timaaddo.

Kalkaaliyeyaasha u sheeg haddii aad rabto in aad daryeel bixiso. Haddii aad caawin karto qofka aad saaxiibbo tihiin ama qarabadaada waqtiga cuntada, fadlan kooxda qayb isbitaalka weydii waxa aad soo qaadi karto iyo waqtiiyada cuntada.

Ehelkaaga sii qalabkooda nadaafadda jirka, ilkahooda caagga ah, muraayaddooda indhaha, qalabkooda maqalka caawiya, dhar ku habboon, iyo kabo.

Bukaannadayadu way jirran yihiin ama caafimaad liitaan markaa fadlan shanqarta aad u yaree oo telefoonkaaga dhawaaqa ka demi.

Dhakhso u bax dhammaadka waqtiga booqashada oo soo celi kuraasta laguu dhiibay.

Isku day in aad booqato inta ka baxsan waqtiyada cuntada haddii aadan rabin in aad xubinta qoyskaaga cunto siiso; waxay tani bukaannada u suurtogelinaysaa in ay cuntadooda ku cunaan meel nabad ah ama deggan. Fadlan shaqaalaha u sheeg haddii aad rabto in aad bukaanka ka caawiso in ay cunaan cuntadooda (waxay tani u kaladuwanaan kartaa qayb isbitaallada). Waxaan qaraabada ku dhiirrigelin doonnaa oo aan ka taageeri doonnaa in ay bukaannada taageeraan waqtigooda cuntada.

Diyaari in hal qof oo qoyska ka mid ahi uu xiriiriye u noqdo shaqaalaha qayb isbitaalka, qoyska iyo saaxiibbada.

Kalkaaliyaha/Ummulisada masuulka ah u sheeg haddii aad u aragto in aadan helin macluumaad kugu filan.

Guriga joog haddii aad qabto calaamadaha cudurka durayga/ifilada ama hargabka ama matag iyo/ama shuban oo ha booqanin ilaa aad bilaa calaamado ahaato ugu yaraan labo maalmood. Gacmahaaga mayr ama dhaq marka aad galayso aanad ka baxayso qayb isbitaalka oo isticmaal dareeraha/xumbada alkoolada leh marka la diyaariyey.

Ha ku fariisan sariirta bukaanka.

Ha isticmaalin musqusha ama qolalka qubaysiga bukaanka.

Nasasho ka qaado ag joogga sariirta si aad bukaanka ugu suurtogeliso in ay nastaan.

Bukaanka ka caawi in ay nidaamsanaanta u ilaaliyaan bannaanka sariirta oo shaqaalaha u suurtogeli in ay si fiican u nadiifiyaan.

Shaqaalaha ka wargeli baahiyaha gaarka ah ee uu bukaanku qabo. Shaqaalaha ka warayso ‘Baasaboorka Bukaanka’ (Patient Passport).

Fadlan annaga nala hadal haddii aad su'aalo qabto oo noo sheeg ra'yiga aad ka qabto daryeelka bukaanka la siiyo.

Waxaan annagu u hoggaansan nahay in aan daryeel tayo sarreeya siinno bukaannadayada. Waad ku mahadsan tahay wadashaqayntaada.

Haddii walaacyadaada la xallin waayo ka dib marka aad la hadasho shaqaalaha jooga qayb isbitaalka, la xiriir Adeegga Talada iyo Xiriirinta Bukaanka (Patient Advice and Liaison Service) (PALS) ee ku yaalla dabaqa hoose una dhow iridda ama albaabka ugu muhiimsan ee isbitaalka. Adiga ayay kula shaqayn doonaan si la iskugu dayo in la xalliyo walaacyadaada. Iimayl: northmid.PALS@nhs.net ama telefoonka: 020 8887 3172.